Somali News

Maxay tahay sababta R/Wasaaraha Libya uu uga laabtay go’aankiisii is-casilaadda

Tripoli-KNN-Ra’iisul wasaaraha dalka Libya Fayaas Al-Siraaj ayaa ku dhawaaqay inuu ka laabtay go’aan oo horay ugu sheegay inuu iska casilayo xilka, waxaana uu hadda sheegay inuu xafiiska sii joogi doono illaa ay ka dhamaadaan wada-hadallada u bilowday xukuumadiisa iyo mucaaradka kasoo horjeeda.

Afhayeenka dowladda Libya oo la yiraahdo Qaalib Al-Saklay ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Fayaas ay guddiga sare ee dalkaas shalay ka codsadeen inuu shaqada sii wado illaa dalka ku yeelanayo madaxweyne ama heshiis looga gaarayo wada-hadallada socda si aysan u dhicin kala tafaraaruq siyaasadeed oo uu dalku galo.

Afhayeenkaan waxaa uu sheegay in ugu dambeyn ra’iisul wasaaruhu aqbalay dalabka guddiga sare ee dalka iyo beesha caalamka oo uu ka laabtay go’aankiisii is-casilaada.

Fayaas Al-Siraaj ayaa bishii September ee sanadkaan ku dhawaaqay inuu is-casilayo bishaan maanta ku eg ee October, taas oo uu ku macneeyay culeys siyaasadeed oo heysta xukuumadiisa.