Somali News

Maxeey kawadda hadleen xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka Soomaaliland?

Kulankii ugu horeeyay oo fool ka fool ah ayay maanta ku yeesheen xarunta madaxtooyada Soomaaliland masuuliyiinta xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah ee Soomaaliland

Kulankan ayaa looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa khilaafka daba dheeraaday ee salka ku haya doorashada maadxweynaha ee u dhaxeeya xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka.

Labada dhinac ayaa kulankooda waxaa dhexdhexaadinaya odayaasha dhaqanka ee Soomaaliland kuwaas oo dadaal ku bixinaya in mar kale khalalaase uusan ka dhicin magaalada hargeysa.

Kulanka maanta dhexmaray madaxtooyada Somaliland iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa lagu hishiiyay In wadahadaladu sii socdaan oo laysu soo laabto maalinta Ciidda laba maalmood kadib. Si loo dhameystiro wadahadalada hishiisna looga gaaro khilaafka hareeyay doorashada.