Buusaar-KNN-Guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo Sahal Macalim Aadan ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in Ciidamada Kenya ay amar ka yimid DF-ka Soomaaliya iyo Taliska AMISOM uga baxeen degaanka Buusaar ee degmada Ceelwaaq.
Guddoomiyaha ayaa KNN u sheegay in Ciidamada Kenya ay ku wargeliyeen in ay fariisin ka sameysan doonaan degmada Ceelwaaq ee Gobalka kadib markii loo sheegay in ay jirto dareen amni oo ku saabsan magaalooyinka Gobalka Gedo.
Hoos ka dhageyso Wareysiga Guddoomiye ku xigeenka Ceelwaaq