Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha XS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Axmed Bin Muxamed Saalix Almuwalad, iyagoo ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.
Sidookale Labada Masuul ayaa ka wada hadlay xaaladda abaaraha ee ka jirta Soomaaliya iyo sidii dowladda Sacuudigu uga qeyb qaadan lahayd gurmad lala soo gaaro dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.