Somali News

Maxay Wasaaradda Arimaha Dibaddu iskugu yeertay Warbaahinta?

Muqdisho-KNN-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa maanta is kugu yeertay dhamaan warbaahinta ka howlgasha Muqdisho, iyadoo aan la aqoon waxyaabaha ay Warbaahinta la wadaagi doonto Wasaaraddu.

Wasaaradda ayaa Warbaahinta isugu yeertay in ay soo xaadiraan Garoonla Diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana la filayaa in ay maanta soo saarto go’aano cusub oo Warbaahinta ay la wadaagto.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan xiriirka u jartay dowladda Guinea, ka dib markii ay dalkeeda ku casuumtay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, taas oo qaabkii loo casuumay ay ka careysiisay dowladda Soomaaliya, oo sheegtay in dowladda Guinea, ay xad gudubtay Qaranimadda iyo wada jirka dhuleed ee Soomaaliya.

Hoos ka Akhriso Warqadda:-