Uncategorized

Maxkakmadda Sare ee Galmudug oo u yeertay 3 ka mid ah Madaxda Galmudug iyo 22 Xildhibaan.

Cadaado-KNN-Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Maamulka Galmudug ayaa wareegto uu soo saaray ugu yeeray Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Maamulkaasi waxaana loo qabtay mudo Saddex maalmood ah in ay ku hortagaan Maxkamadda.

Sidoo kale Wareegtada ayaa waxaa ku qoran magacyada 22 Xildhibaan oo kale oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug kuwaas oo ah Garabka ka soo horjeedo Madaxweyne Xaaf ee Shaaciyay in ay Xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Maamulka Galmudug.

Wareegto uu ku saxiixanyahay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Maamulka Galmudug Dr Yaxye Sh.Cali Maxamed ayaa ku sheegay wareegtadiisa in ay dacwad ka taallo Maxkamadda sare ee Galmudug ragga ay magacyadooda ku lifaaqan yihiin Wareegtada.