Uncategorized

Maxkamad ku taal Turkiga oo xukuno ku riday dad ka badan 100 ruux

Muqdisho-KNN-Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa xabsi daa’in ku xukuntay 104 qof oo horey uga tirsanaa ciidamada dalkaasi.

Waxaa dadkani lagu soo oogay dacwad ku saabsan in ay qayb ka ahaayeen afgembigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay sanaddii 2016.

Dadka xukunka lagu riday waxaa ka mid ah madaxii hore ee ciidamada cirka ee dalkaasi Xasan Xuseyin Demiraslan) iyo Janaraal kale.

21 qof oo kale ayaa sidoo kale lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah, halka 31 lagu riday xukunno ka yar intaas.

Ku dhawaad 300,000 oo qof ayaa xabsiga la dhigay amaba shaqooyiinkooda laga ceyriyay tan iyo wixii ka dambeeyay afgembigii dhicisoobay.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa waxa ay cmbaareeyeen tillaabooyiinka ay qaaday xukuumadda Turkiga ka dib afgembigaasi.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo bisha soo socota lagu wado in dalkaasi ay ka dhacdo doorashada madaxwaynanimada.