Somali News

Maxkamad ku taala Ciraaq oo xukun dil ah ku riday Muwaadiniin u dhashay Faransiiska.

Muqdisho-KNN-Sadax muwaadin oo u dhashay dalka Faransiiska ayaa maxkamad ku taala dalka Ciraaq waxa ay ku riday xukun dil ah kadib markii ay ku heshay dambi ah in ay kubiireen kooxda Daacish.

Wakaalada wararka ee AFP ayaa warisay in sadaxdan muwaadin ay racfaan ku qaadan karaan mudo 30 maalin.   

Sadaxdan ruux waxaa ka kamid ah muwaadin 12 sano jir ah kaas oo ciidamada ay Mareykanku taageeraan ay ka soo qabteen dalka Suuriya bishii Febaraayo.

Muwaadiniintan kasoo jeeda dalka Faransiiska ayaa noqonaya kuwii ugu horeeray ee lagu xukumo dil iyadoo lalaxiriirinayo kooxda Daacish.

Dowlada Faransiiska ayaana wali ka hadlin xukunka ay Maxkamada ku taalo Baqdaad riday Axadii balse hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa aad u cambaaray’yay.   

Kooxda Isis oo bari xukumi jirtay dhul badan oo kamid ah dalalka Suuriya iyo Ciraaq ayaa sanadihii u dambeeyay wajahayay guul darooyin xiriir ah.