Hargeysa-KNN-Maxkamad ku taala Magaalada Hargeysa ee Soomaaliland ayaa maanta xukun waxaa ay ku riday laba Wariye oo ka howlgalayay Gabiley oo ka tirsan soomaaliland.
Labada Wariye ayaa mid kamid ah waxaa lagu xukumay hal sano, halka mid kalane lagu xukumay lix bil, sida ay ku dhawaaqeen mas’uuliyiinta Maxkamadda.
Wariyeyaasha oo ahaa kuwa muuqaal ka duubay askari ka tirsan booliiska Soomaaliland, kadib markii ay is afdhaafeen, taasina waxaa ay keentay inay sameeyaan amar diido, iyadoona intaa kadib uu askariga xabad ku riday wariyeyaasha.
Muuqaalka ay soo duubeen waxaa ka muuqday Askari rasaas ku riday wariye doonayay inuu xoog ku galo meel laga joojiyay.
Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay ururka Suxufiyiinta soomaaliland.