Uncategorized

Maxkamad ku taalla Dalka Hindiya oo Xukun ku riday 60 Dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ku eedeesnaa Buracad Badeednimo.

Muqdisho-KNN-Fadhi Maxkamadeed oo ka dhacay Magaaladda Mumbai jimcihii ayaa waxaa lagu xukumay 60 Dhaliyaro Soomaaliyeed ah Todobo sano oo xarig ah mid kasta, kadib markii lagu eedeeyay in ay weerar burcad badeednimo ku qaaadeen Doon Badeeco Siday Sanadii 2011 kii.

Waa xukunkii ugu dambeeyay ee dhalinyaro soomaliyeed oo Dacwadooda ay qaadeeysay Maxkamadda  Magaaladda Mumbai kuwaas oo Ciidamadda Badda iyo ilaaladda Xeebaha Hindiya ay soo qabteen 2011, dhamantood waxaa ay ku eedeeysnaayeen dambiyo Burcad badeednimo la xiriira.

Sida laga soo xigtay dacwad oogista Hindiya 12 kii Bishii March ee sanadkii 2011 kii Xarunta Taliska Ciidamadda Badda ee koofura Hindiya ayaa Saraakiil Ciidan iyo Maraakiib dagaal ku wargaliyay Weerar burcad badeed oo ka dhacay Jasiirad ka mid ah Xarumaha dhaqaalaha Hindiya, weerarkaas oo lala xiriiriyay in ay dhalinyarada Soomaaliyeed geysteen.

Indian express ayaa Baahisay in Burcadda Soomaalidu ay wateen 2 Doomood oo dhaqaaqa xawaareeya dheereya.

Xeer-ilaalinta Hidiya ayaa eedeeynta dhalinyaradaan waxaa ay u cugsadeen Shaciga Hindiya ee tiriskiisu yahay 304 ee Dilka dadka aan waxba Galabsan, Midka Afduubka ee Tiriskiisu yahay 364A iyo midka ka hadla,  heeysashadda Sharci daradda ah ee hubka.

Dhalinyadda Xukunku ku dhacay waxaa lagu helay hub u badab AK-47.

Gar-soore Jagdale ayaa maamulka usheegay in Dhalinyaradaan Wadankooda Soomalia dib loogu celiyo marka Xabsiga Laga siidaayo.

117  maxbuus oo Soomaali ah ayaa lagu xukumay Magaaladda Hindiya Afar maxkameed oo kala duwan, sida ku cad Hishiis Dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya ay kala Sixiixdeenna Maxaabiista Soomaaliyeed waxaa la keeni doonaa Dalka.

Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa ansixiyay Qamiistii lasoo dhaafay hishiiska Maxaabiis isdhaafsiga labada dal.

Lama Oga Waqtiga rasmiga ah ee dhalinyaradaan dalka dib loogu soocelinayo.