Somali News

Maxkamad la soo taagay nin loo haysto dilkii Rafiiq Xariiri

Maxkamadda ay qaramada midoobay gacanta ku hayso ayaa xukun ku ridday nin ka tirsanaa maleeshiyada Xizbullah kaddib marki lagu helay inuu ku lug lahaa dilki loo geystay Ra’isal wasaarihi hore ee Lubnaan Rafiiq Xariiri.

Garsoorayaasha dacwadda qaadayey oo ku sugan Netherland waxay sheegeen Saalim Ayyash inuu door muhiim ah uu ku lahaa qarixi Mr Xariiri lagu dilay 2005-kii.

Ayyash oo ah ninka ay maxkaadda xukunka dambiilanimo ku ridday iyo xubnaha kale ee dacwadda kula jira muddo lix sana ah waxay dacwaddooda socotay iyaga oo maqan.

Dilki xilligaasi loo geystay siyaasiga muslimiinta sunniga ka soo jeeda ee caanka ahaa Mr Xariiri waxay dalka Lubnaan ka abuurtay xiisad siyaasadeed oo aad u weyn.

Hase yeeshee, Xizbullah wuxuu marar badan ku gacanseydhay inuu dilka Xariiri uu wax lug ah ku lahaa.