Muqdisho-KNN-Maxkamad ku taala Dalka Masar ayaa dil toogasho ah ku xukuntay 10 xubnood oo ka tirsan kooxda laga mamnuucay dalkaasi ee Ikhwaanul Muslimiinka, kadib markii lagu helay inay isku dubarideen isla markaana qorsheynayeen weeraro ka dhan ah booliska, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda ee MENA.
Eedeysanayaashan ayaan la shaacin magacyadooda, iyadoo aan la ogeyn sida ay u qirteen eedeymaha loo haysto
Sagaal qof ayaa xabsiga ku jiray halka midna lagu xukumay isagoo maqan, sida ay ilo-wareedka garsoorka sheegtay Axaddii shalay wakaaladda wararka ee AFP. Xukunka ayaa hadda loo gudbin doonaa Grand Mufti, oo ah mas’uulka sare ee fiqiga Masar – oo ah qaab dhismeedka kiisaska ciqaabta dilka ah – ka hor inta aysan maxkamaddu kulmin, si loo xaqiijiyo xukunnada.
Xukunka 9-ka qof ayaa kusoo aadayo xili Jimcihii, maamulka Biden uu ku dhawaaqay inuu baabi’in doono $ 130m kaalmadii militari ah oo uu masar siin rabay, sababo la xiriira xuquuqul insaanka, waxa ayna sidoo kale kusoo adeeysaa maalmo uun ka dib markii Mareykanka uu ansixiyay $ 2.5bn oo hub ah oo aad u badan oo lagu iibiyo dalka.