Somali News

Maxkamad xukun ku riday labo ruux oo dil ka geystay Qardho.

Qardho-KNN-Waxaa maanta Maxkamadda darajadda koowaad ee Magaalada Qardho la horgeeyay  labo eedaysane oo loo haysto inay dileen Marxuum lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan C/laahi Axmed, kaasi oo dhawaan maydkiisa laga helay Wadada  u  dhexeeysa Magaalooyinka Qardho iyo Garowe.

Ragga  maanta ay xukuntay maxkamada ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Axmed Cabdi Nuur Siciid Iyo Bashiir Maxamed Siciid.

Sidoo kale Maxkamada ayaa shaacisay in xukun dil ah lagu ku riday labadan qof  oo horay dil ka geystay  Magaalada Qardho.

Maxkamada ayaa  amartay in xabsiga lagu hayo labadan nin si loo baaro dambiga loo haysto,Maadamaa ay labaddan nin ku xukuman yihiin  dil toogasho ah.