Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa soo u fariisatay dhageysiga dacwad loo heysto qof lagu eedeeyey in uu qeyb ka ahaa weerar lagu qaaday 26-kii November 2018 Xaruntii Sheikh Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare uu Magaalada Gaalkacyo ku lahaa.
Cabdullaahi Cali Maxamed ayaa lagu Magacaabaa Ninka Maxkamadeyntiisa la soo taagay, xeer ilaalinta Maxkamadda ay hor keentay Afar markhaatiyaal ah, iyada oo sheegtay in ay hayaan cadeymaha in uu weerarkaas ku lug lahaa,sidoo kalena uu qirtay eedeysanaha.
Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa ugu dambeyn Maxkamadda weydiistay in eedeysanaha lagu xukumo ciqaabta dambiga uu galay oo ah dil toogasho ah.
Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya oo soo xiray fadhiga Maxkamadda ayaa sheegay in Maxkamadda go’aanka ay kasoo gaari doonto dacwadan.
26-kii Bishii 11aad ee sanadkii 2018 ayaa rag hubeysnaa oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab waxaa weerar qaraxyo ku bilaawday ay ku qaadeen Xarunta uu maamulaha ka ahaa wadaad Caan ka ahaa Magaalada gaalkacyo oo lagu Magacaabo jiray Sheekh Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare,waxaana weerarkaas ku dhintay ku dhawaad 20 qof oo ku sugnaa xarunta,isla markaana uu ku jiro Sheekh Cabduweli Cilmi Yare.


