Muqdisho-KNN-Maxkamadda derajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa saakay xukun dil ah ku riday laba askari oo horay dad shacab ah ugu dilay magaalada Muqdisho.
Labada askari ee saakay dilka lagu xukumay, kan koowaad waa dable Boliis Nuur Daahir Geedi oo bishii lasoo dhaafay laba kun oo shilin Soomaali ah degmada Xamar Jajab ugu dilay Allaaha u naxariistee Cumar Xasan Macalin oo miis yar ku iibinayay bagaash uu nolosha qoyskiisa ka maareyn jiray.
Sidan oo kale askariga labaad ee maxkamaddu dilka ku xukuntay waa dable Boolis Xasan Aadan Xasan oo laba qof oo shacabka ku dilay degmada Boondheere, intii lagu guda jiray bishii barakeysneed ee Ramadaan.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee lagu riday labadan eedeysane, kaasi oo ah khisaasta seddaxda marxuum ee dilkooda lagu kala eedeynayo.