Maxkamadda derajada koowaad Ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxaa xukun Xabsi Saddex sano ku riday Ku Simihii Agaasimaha Shaqadda Gobalka Banaadir, Nuur Cali Axmad (Mahad Alle) kadib markii lagu helay inuu horay uga mid ahaan jiray Alshabaab, Islamarkaana uusan soo marin Habka Is Diiwaan Galinta Dadka ka haray Fikirka Alshabaab.
Maxkamadda ayaa sidoo kale sii daysay Cabdulaahi Cabdi raxmaan Maxamed oo walaalo ay ahaayeen Basiiro oo la rumeysan yahay inay isku qarxisay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
Sidoo kale maxkamaada ayaa hay’adaha amniga ku amartay in ay indhaha ku hayaan dhaq dhaqaaqa Cabdullaahi Cabdi raxmaan Maxamed.


