Uncategorized

Maxkamada ciidamada qalab sida ee Puntland oo xukun dil ah ku riday Askari la goystay Gaari tikniko ah

Muqdisho-KNN-Maanta ayaa Maxkamada dambiyada culus ee Puntland waxay xukun dil ah ku ridey eedeysane Maxamed Maxamuud Guure, kaasoo 21 March 2018 la baxsadey Gaari tikniko ah oo qalabaysan.

Maxamed Maxamuud Guure oo ka maqanay Maxkamada ayaa maanta loo fadhiistay dacwadiisa waxaana lagu riday xukun dil ah.

Xukunka la guridey Maxamed Maxamuud Guure ayaa waxaa Maxkamada ka hor akhriyey Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee  maamulka Puntland G/sare Maxamuud Faarax Maxamed waxaana lagu ridey xukun dil toogasho ah, maadaama lagu soo eedeeyay qodobada kala ah 221, 222, 223, xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo xeerka 186, xeerka ciqaabta ciidmada qalabka sida, dilkaasna waxaa lagu fulinayaa markii gacanta lagu soo dhigo, waxayna maxkamadu fartay dhammaan ciidmada qalabka sida in dambiilahaas meelkasta uu joogo gacanta lagu soo dhigo.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland S/Guuto Saciid Abyan Cigaal ayaa maxkamada ka hor sheegey in xukumane Maxamed Maxamuud Guure uu yahay danbiile Qaran oo khiyaanay dalkiisa isla markaana waxaa uu Guddoomiyuhu sheegey in qofkii soo qabtaa in uu leeyahay abaal marin.