Uncategorized

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Hiiraan oo xukuno ku riday eedeysanayaal

Beladweyn-KNN-Maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ee gobolka Hiiraan ayaa maanta xukun ku riday eedeysanayaal loo haysatay eedeymo kala duwan.

Yuusuf Xuseen Ibraahim oo 31 sano jir ah iyo Aadan Cabdulaahi Xasan oo 25 sano jir ah oo lagu eedeeyay dhac in ay u geysteen dadka ku dhaqan magaalada Beladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu xukumay min sedax sano oo xabsi.

Maxkamada ayaa sidoo kale xukun xabsi ku riday Abuukar Yuusuf Ibraahim oo ka tirsan ciidamada xooga, oo lagu eedeeyay dagaal uu la galay dad shacab ah, oo ugu dambeyn qarigii ay ka qaateyn.

Waxaana maxkamada ay ku xukuntay 4 sano oo xabsi ciidan.

Guddoomiye kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Darajada Koowaad qeybta 27-aad ee Gobolka Hiiraan Dhamme Maxamed Cabdulle Aadan ayaa ugu dambeyn Maxkamadda kaga hor dhawaaqay xukunka maxkamada maanta ay riday.

Wuxuuna sidoo kale guddoomiyaha uu sheegay in racfaan ay ka qaadan karaan cidii aan ku qanacsaneed xukunka maxkamada.