Somali News

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo saakay xukun riday

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday Xasan Cali Barre, halka xabsi daa’in ay ku riday Sayid Cali Aadan Nuur oo lagu helay inay ka dambeeyeen Qaraxii ka dhacay xaafada Kaawo Godey ee Degmada  Wadajir 26-kii  November sanadkii hore.

Maxkamada ayaa sii daysay Muxudiin Maxamed Axmed oo lagu waayay dambigii lagu soo oogay.

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay go’aanka xukunka maxkamada.

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa inta badan xukun ku rida askarta ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Xubnaha ka tirsan Daacish iyo Al-Shabaab.