Somali News

Maxkamada Gobalka Banaadir oo xukun ku riday Weriye Cali Aadan.

Muqdisho-KNN-Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta baabi’isay dhammaan eedeymo loo heystay weriye Cali Aadan Muumin oo ka tirsan warbaahinta Goobjoog FM  oo maanta la horgeeyay Maxkamada.

Maxkamadd ayaa sheegtay in Wariyahaan ay dacwad kasoo gudbiyeen Baratakoolka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Booliska Soomaaliya iyo Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa Wariye Cali Aadan ku xukuntay inuu xabsiga kusoo jiro illaa uu ka dhammaanayo Imtixaanka Dugsiga sare ee ka socdo Soomaaliya.

Sababta ugu weyn ee Xuriyadiisa loogu qaaday Weriye Cali Aadan Mu’min ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay kadib markii uu warbixin uu ku daabacay Bartiisa Facebook-ga ,taasi oo la xiriirta hab dhaqanka ciidanka booliska Soomaaliya ee la dhigay Wadooyinka Muqdisho iyo arimaha Imrixaanka Dowladda.

Warbaahinta Goobjoog ayaa saacado ka hor waxaa ay sharci daro ku tilmaamtay Xariga Weriye Cali Aadan Mu’min.

WAR-SAXAAFADEEDKA

Bahda Warbaahinta Goobjoog waxay caddeynayaan in xarigga loo geystay Wariye Cali Aadan Muumin oo ka tirsan Bahda Warbaahinta Goobjoog uu yahay sharci darro isla markaasna loo fuliyay hab ka fog hannaanka Dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka.

Hoggaanka Dembi Baarista (CID) wuxuu ku xadgudbay xuquuqda muwaadinnimo ee Wariyaha iyo madax-bannaanida warbaahinta xorta ah ka dib markii ay ugu yeereen weriyaha su’aalo weydiin ka dibna ay xabsiga u taxaabeen.

Waxaan u soo jeedineynaa Dowladda in Wariyaha xorriyaddiisa dib loogu soo celiyo, Xukuumaduna ay gudato mas’uuliyadda ka saaran tahay ilaalinta sharciga iyo xuquuqda uu Dastuurku siiyey dhowrista xoriyada ra’yiga iyo afkaarta muwaadinka Soomaaliyeed.

Xarigga Wariyaha wuxuu astaan xun u yahay caburinta iyo xakameynta warbaahinta xorta ah; taas oo meel ka dhac weyn ku xuquuqda aadanaha isla markaasna dhaawac ku ah dadaalka dimuqraadiyeynta dalka.

Bahda Warbaahinta Goobjoog oo horey hanjabaad iyo cagajugleyn kala kulantay hay’adaha Aminiga ee Xukuumada Federaalka Soomalaiya waxay welwel ballaaran ka qabaan in xarigga wariye Cali Adaan Muumin uu horudhac u yahay tallaabooyin kale oo ka dhan ah warbaahinta xorta ah mana la aqbali karo in howlwadeennada warbaahinta xorta ahi ay ku shaqeeyaan cabsi iyo argagax ay kala kulmaan Dowladda Federaalka.

Hay’ada Warbaahinta Goobjoog waxay ugu baaqeysaa dhammaan Hay’adaha Dowladda, bahda warbaahinta xorta ah ee ka howlgala Dalka gudihiisa, warbaahinta caalamiga ah, bulshada rayidka, ururada ka shaqeeya xuquuqda aadanaha, xuquuqda warhaabinta iyo dowladaha beesha caalamka in si isku duuban loo wajaho ka hortaga tacaddiyada ka dhanka ah wariyeyaasha Soomaaliyeed iyo ilaalinta xoriyada ra’yiga iyo afkaarta muwaadinka Soomaaliyeed.

=DHAMMAAD=