Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa saaka Xukun dil ah ku ridday xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo kala ah Shuceyb Cabdullaahi Maxamed & Saadaq Jabaar Xuseen
Maxkamada ciidanka qalabka sida ayaa sidoo kale Maxamed Cismaan Axmed & Ismaaciil Maxamed Aweys lagu xukumay Xabsi daa”in,kuwaasi oo loo haysto falal la xiriira amni daro ah
Maxkamadda ayaa waxaa kale sheegtay in qofkii aan ku qanacsaneyn xukunka Maxkamada uu ka qaadan karo racfaan.


