Uncategorized

Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida oo maanta xukun dil toogasho ku riday Gaashaanlle Sare Cabdinaasir Xoosh

Muqdisho-KNN-Maxakamadda sare ee Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta Xukun dil toogasho ah ku riday Gaashaanlle Sare Cabdinaasir Xoosh Maxamed Kaas oo horey u dilay EX. Abaanduulihii Ciidanka Badda Soomaaliyeed Janaraal Saciid Aadan Yuusuf Saciid Mariino.

20-ka bishii Febraayo ee sanadkaan ayaa Maxkamada darajada 1-AAD ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Gaashaanlle Sare Cabdinaasir Xoosh Maxamed laakiin Cabdinaasir Xoosh ayaa Racfaan ka qaatay xukunkaasi lagu riday.

Maanta ayaa Maxakamadda sare ee Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya waxay Xukun dil toogasho ah ku riday Gaashaanlle Sare Cabdinaasir Xoosh Maxamed oo horay xukun dil ah ugu xukuntay Maxkamada darajada koobaad ee ciidamada Qalabka sida.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yarow ayaa Xukunka Dilka ah oo ay  maxkamadu riday u aqriyay Warbaahinta.

Admiral Siciid Aadan yuusuf (Siciid Mariino) ayaa lagu dilay gudaha Dekedda Muqdisho 19kii bishii Janaayo ee sanadkaan 2018, wuxuuna dowr muuqda uu ku dhexlahaa ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo in muddo ah ka soo shaqeynayay.