Maxkamada sare ee Mareykanka ayaa go’aan ka soo saartay in sharciga degenaanshaha ee loo yaqaano Kaarka Cagaaran (Green Card) aan loo ogolaanin qofkii haysta waxa loo yaqaano Sharciga ku meel gaarka ah Temporary Protected Status (TPS), haddii uu qofku si sharci daro ah dalka ku soo galay markii uu is dhiibayey ama uu codsiga degenaansha dalka codsanayey.
Talaabadan ka soo baxay Maxkamada dalka Mareykanka ugu sarreeysa ayaa dhabar jab ku ah dad badan oo Soomaaliyeed iyo qoomiyadaha kaleba ee soo galootiga ku ah dalkaas, kuwaas oo muddo sugayay sharci rasmi ah.
Qareenadda iyo sharci yaqaanadda ayaa ku dhiirigelinaya qof kasta oo ay arrintani saameeyn ku leedahay in ay la xiriiraan qofka u qareen ah si ay uga helaan wixii faah faahin ah ee la xiriira g’aanka Maxkamada.