Somali News

Maxkamada Sare ee Puntland oo maanta ku dhawaaqaysa xukunka xubno ka tirsan Al-shabaab.

Maxkamadda sare ee Ciidamada dowladda Puntland, ayaa sida qorshaysan maaanta magaalada Galkacyo kaga dhawaaqaysa xukunka kama dambaysta ah ee 18 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Xubnahan waxa hore dil toogasho ah ku xukuntay Maxkamadda Ciidamada Puntland ee Gobollada Mudug iyo Cayn oo fadhigeedu yahay Gaalkacyo, inkastoo ay Rafcaan ka qaateen xukunkaas.

Maalmihii la soo dhaafey ayaa Maxkamadda sare u fadhidey dhegeysiga Xukunki Racfaan qaadashada,, iyadoo Maxkamaddu maanta shaacin doonta go’aanka kama dambaysta ah.

7 Qareen oo kala duwan oo qaar kamid ah ka yimaadeen magaalada Muqdisho ayaa u doodaya xukumanayaasha.