Somali News

Maxkamadda Ciidamada oo dil ku xukuntay Nin dil iyo dhaawac ka geystay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday Cali Maxamuud Axmed oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliya, kaasi oo Sideedii bishaan darawal Mooto Bajaaj ku dilay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Ninka maanta la xukumay oo dil u geystay marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Guure oo ahaa wade Mooto Bajaaj ayaa sidoo kale la sheegay in uu dhawac u geystay Cali Xaashi Mataan oo ahaa nin ganacsade ah, waxuuna dilkaas iyo dhaawacaasi ka dhacay Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan.

Todobaadkii tagay ayaa Maxkamadda Ciidamada la hor geeyay Cali Maxamuud Axmed oo ah Nin loo heysto dilka iyo dhaawaca labadaas ruux iyo marqaatiyaal sida la sheegay ay qeyb ka ahaayeen Ciidamo goobjoog ahaa markii uu dilku dhacayay. Maanta ayeyna Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya waxa ay eedeysane Cali Maxamuud Axmed ku riday xukun dil ah.