Somali News

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay rag ka tirsana Al-shabaab

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay laba nin oo ka tirsan Al-shabaab, kuna eedeysan dilal ka dhacay Magaalada Muqdisho.

War kooban oo ka soo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay rag lagu soo koobay magacyadooda Cabdulle iyo Cumar lagu fuliyay dil toogasho ah.

Sidoo kale, Maxkamadda ayaa tilmaamtay in 13 kii November 2019 Ragan lagu qabtay Suuq Boocle, iyaga oo markaasi geystay dil.

Dowladda Soomaaliya ayaa kordhisay dilalka lagu fulinayo dadka xukuman ee ka tirsan Al-shabaab.