Somali News

Maxkamadda Ciidamada Puntland oo dil ku xukuntay 5-qof

Gaalkacyo-KNN-Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Puntland ayaa maanta xukuno dil ah ku diray shan ruux oo loo heysto inay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab, dilalna ka geystay deegaanada Puntland iyo Galmudug.

Ragga la xukumay ayaa kala ah, Maxamed Xaashi Mu’min, Cabdulqaadir Axmed Ummal, Maxamed Cali Cawke, Maxamed Cabdullaahi Ayaanle iyo Qaasim Jaylaani Al-Turaabi.

Dhagaysiga dacwada raggan ayaa ka socotay muddo labo cisho ah magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Sidoo kale maxkamadu waxay sii deysay afar qof oo kale, kadib markii lagu waayay dambiga lagu soo eedeeyey oo ahaa inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

Maxkamada Ciidamada Puntland ayaa sidaan oo kale 21-kii bishii hore dil toogasho ah ku xukuntay shan ruux oo dhalinyaro u badnaa, kuwaas oo ay maxkamadu sheegtay inay falal dil ah ka geysteen deegaanada Puntland.