Somali News

Maxkamadda ciidamada Puntland oo dil ku xukuntay askari horay dil u geystey

Garowe-KNN-Maxkamadda racfaanka ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa dil toogasho ku xukuntay Axmed Aadan Maxamed Gaagaale oo ku eedaysnaa dilka taliyihii garoonka magaalada Boosaaso, marxuum Xasan Shire Amaan.

Axmed Gaagaale oo ah askari ka tirsanaa ciidanka ilaalada garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ayaa baxsaday markii uu dilkaas u geystay 7-dii December sanadkii 2015-kii, hase yeeshee dhawaan ayey Puntland ku guulaysatay inay gacanta ku soo dhigo Axmed.

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Puntland ayaa askarigaas horey ugu riday xukun dil ah, balse racfaan uu ka qaatay xukunkiisa ayaa dacwada heerkaan soo gaarsiiyay.

Go’aanka maxkamadda ka soo baxay waxaa lagu sheegay in ninkaan isna loo xukumay 67-halaad oo diyo ah, taasoo ah dhaawacyo ka soo gaaray howlgalkii lagusoo qabanayay. Waxaana diyadaas lagu xukumay inuu bixiyo maamulka Puntland.