Somali News

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo maanta xukun ridday

Maxkamada Darajada koowaad  ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday nin loo heysto weerarkii ka dhacay Xarun uu Magaalada Gaalkacyo ku lahaa wadaad lagu Magacaabi jiray Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare.

Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad aad ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya  oo dhageysiga kiiskan u tagay Magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee lagu riday Cabdullahi Cali Aadan

Sidoo kale Guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in Cabdullaahi Cali Aadan uu gacantiisa ku dilay mid ka mid ah Ciidamada gaarka ah ee dowladda oo dagaal u tagay intii uu socday weerarka.

Xukunkan ayaa waxaa ku soo aadayaa kadib markii 26kii November 2018-ka weerar lagu qaaday   Xarunta Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare oo ku taalay magaalada Gaalkacyo.