Somali News

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo saakay xukun ku riday

Muqdisho-KNN-Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun ku riday laba nin oo lagu eedeeyay in ay katirsanaayeen Ururka Daacish garabka ka dagaalama Soomaaliya sida ay ku dhawaaqayn Saraakiisha Maxkamadda.

Xuseen Cali Maxamed Muudey oo magaciisa afgarashadu yahay  Suheyb iyo Cabduqaadir Xaafid Xaaji Cali  oo magaciisa afgarashadu yahay Qudaama ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Daacish waxaana saakay Maxkamadda ku riday xukun min dhowr-sano ah.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ragaan ku xukuntay min 6 sano oo xabsi ciidan ah kadib markii la sheegay in la helay caddeymaha eedeentii loo jeediyay.

Labada eedeysane ayaa mar kawada tirsanaa Al-shabaab, waxa ayna  sii doorteen in ay ku biiraan kooxda daacish oo ay  sheegeen in ay jireen sababo ku riixayay ku biiristooda kuwaasi oo ku qatoma dana shaqsi ah, sida  aar-gudasho iyo damac dhaqaale sida ay sheegtay Maxkamadda.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Shuute, ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda oo ah min 6 sano oo xabsi ah.