Somali News

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidda oo xukun ku riday Axmed Cabdi oo horay dil u geestay.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa saakay dil Toogasho ku fulisay Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheer) oo ka tirsan ciidanka xooga dalka.

Axmed ayaa magaalada Cabudwaaq ku dilay 17-kii bishii aynu soo dhaafnay AUN Taliye ku xigeenkii Nabad sugida Galmudug G/le faarax Cumar Geelle iyo gabar la dhalatay oo lagu magacaabi jira Xaawo Cumar Geelle..

Maxkamadeynta Axmad oo kamid ahaa Ciidamada Xoogga dalka ayaa dhowrkii maalin ee lasoo dhafay waxa aya ka socotay Magaalada Cabudwaaq halkaas oo ay gaareen saraakiil ka tirsan maxkamadda Ciidamada qalabka sida.

Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan Gudoomiyaha qeybta 21-aad ee maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maalin ka hor waxa uu ku dhawaaqay Xukunka Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheer) oo horay u dilay Taliye ku xigeenkii Nabad sugida Galmudug iyo walaashiis.

Gudoomiyaha qeybta 21-aad ee maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xukunka dilka ah ee lagu fuliyay Axmed uu yahay qisaasta Taliye ku xigeenkii Nabad sugida Galmudug iyo walashiis.

Saraakii ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, maamulka degmada, Cabudwaaq, Xildhibaano iyo odayaasha dhaqanka ayaa ku sugnaa Saaka Goobta lagu Toogtay Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheer) oo horay dil u geeystay.