Somali News

Maxkamadda dalka Congo oo meelmarisay doorasho muran badan dhalisay.

Muqdisho-KNN-Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo ayaa ku gacan seyrtay dacwad ka dhan ahayd natiijada doorashada madaxtinimada ee dhawaan dalkaasi ka dhacday.

Sidaa awgeed hoggaamiyaha mucaaradka Felix Shisekedi ayaa la filayaa in loo dhaariyo xilka madaxweyneniamda.

Martin Fayulu oo ah musharax mucaarad ah oo dacwaddaasi geeyay maxkamadda isla markaana ku doodayay in wax-is-dabamarin badan ay hareysay doorashada ayaa go’aanka maxkamadda ka dib sheegay in isagu uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee dalkaasi.

La yaab ma laha in maxkamaxadda dastuuriga ay go’aamiso in aysan jirin caddeyn ku filan oo qiil looga dhigi karo in codadka dib loo tiriyo sidii uu codsaday Martin Fayulu.

Waxa uu ku andacooday in si wayn uu ugu guulaystay doorashada taasi oo ku salaysan macluumad aan la xaqiijin oo la soo dusiyay oo ka yimid guddiga doorashada iyo korjoogayaasha.