Johannesburg-KNN-Maxkamadda dastuuriga ah ee dalka Koonfur Afrika ayaa maanta xukuntay in Baarlamaanka Dalkaas ay waajibaadkooda gudan waayeen, waxayna maxkamaddu Baarlamaanka ku amartay in uu bilaabo hab raaca xilka looga qaadi lahaa madaxweynaha dalkaas Jacob Zuma oo loo heysto dacwado musuqmaasuq.
Dacwadda waxaa maxkamadda geeyay xisbiyadda mucaaradka oo dhawr jeer isku dayay in ay Madaxweynaha kalsoonida kala laabtaan, balse waxaa ka tira batay xildhibaanada xisbiga talada haya ee ANC oo aqlabiyad ku leh Baarlamaanka.
Garsooraha Maxkamadda oo lagu magacaabo Chris Jafta ayaa sheegay in aysan maxkamadda awood u lahayn in ay Baarlamaanka u yeeriso qaabka uu noqonayo habraaca, iyo in ay ku qasabto in madaxweynaha xilka laga qaado, maadaamaa aysan awoodaas lahayn.
Xaakimka guud ee maxkamadda Mogoeng Mogoeng oo isagu kasoo horjeestay xukunka Maxkamadda basle waxaa ka tira batay Garsoorayaasha Kale.
Illaa $15 milyan oo doolar lacag gaaraysa oo ay Dowladda leedahay ayaa la sheegay in loo isticmaalay dayactirka iyo naashnaashidda guri uu Zuma ku leeyahay tuuladii uu ku dhashay ee Nkandala.
Bishii maarso ee 2016-ka, maxkamaddan ayaa sidoo kale xukuntay in Zuma uu dib u mago qeyb ka mid ah lacagtii dowladda ee guriga lagu isticmaalay, wuxuuna madaxweynaha dib u bixiyay lacag dhan $631,000.
Zuma ayay mudddo xileedka kaga egtahay sanadka 2019-ka.
W/Q/ C/raxmaan Muumin Codeey