Somali News

Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukun dil ah ku riday Sayid Cali Macalin Daa’uud

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku xukuntay dil toogasho ah Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ah qisaasta xaaskisii oo uu gubay.

Gudoomiyaha maxkamada gobolka Banaadir Saalax Cali Max’ud ayaa maanta ku dhawaaqay in Sayid Cali lagu helay dilka xaaskiisii Luul Cabdicasiis.

Go’aanka Maxkamadda ayaa waxaa racfaan ka qaatay qareenka Eedeysanaha, isaga oo sheegay in aysan ku qanacsanayn.