Somali News

Maxkamadda Gobolka Benaadir oo xukun kuriday nin ajinabi ah.

Muqdisho-KNN-Maxkamadda Gobolka Benaadir oo xukun ku riday Mulkiilaha Heya’adda Sahan Matt Brydan


Maxamadda ayaa ku heshay eed uu ku soo oogay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, taas oo ah in Matt Brydan uu faafin jiray siraha Qaranka, waxayna Maxkamadda maanta talaado ah ku xukuntay shan sano oo xabsi ah.

Sidoo kale Hey’adda Sahan Reseach ayey maxkamaddu ka mamnuucday in dib dambe ay uga howlgasho gudaha Soomaaliya

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Cabdikhadar Maxamed Xasan ayaa ku dhawaaqay xukunka dacwada loo heystay Hey’adda Sahan Reseach iyo agaasime Hey’adda Matt bryden.