Muqdisho-KNN-Maxkmadda Ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxa ay xukun ku riday eedeysane lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow).
Ninka la xukumay ayaa waxaa loo heystay, inuu dilay Allaha u naxariistee Marxuum Xasan Abshir Warsame oo dilkiisu ka dhacay magaalada Beladweyne 7 -dii February ee sanadkan, wixii xilligaas ka dambeeyay ayuu ninkan u soo baxsaday Muqdisho.
G/dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyoow oo kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada ayaa ku dhawaaqay xukunkan, waxa uuna sheegay in Yariisoow lagu xukumay dil toogasho ah.