Somali News

Maxkamadda Racfaanka Puntland oo xukun ku riday raggii loo heystay Dilkii Caa’isha Ilyaas

Garowe-KNN-Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Nugaal ayaa saakay markale dhegaysatay dacwadda loo haysto Seddax Nin oo ku eedaysan Kiiskii kufsiga iyo dilka iskugujiray ee Waqooyiga magaalada Gallkacyo loogu geystay sanadkaan gudihiisa marxuum Caa’isha Ilyaas Aadan, oo aheyd Gabar 12 sano jir ah.

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Nugaal ayaa kuraacday xukunkii ay Hore ugu riday raggaas, maxkamadda Darajada Kowaad ee Puntland, kaas oo ahaay dil toogasho ah, kadib markii sida ay sheegtay Maxkamaddu la horgeeyey caddaymo buuxa.

Qareennada difaacayaa eedaysanayaasha ayaa rafcaan kale ka qaadatay xukunka saaka waxana dacwaddu u gudubtay maxkamadda sare ee Puntland oo leh go’aanka ugu dambeeya ee xukunnada ay ridaan maxkamadaha kale ee heer gobol.