Uncategorized

Maxkamadda Sare ee Maraykanka oo Madaxweyne Trump ku taageertay xayiraadii socdaalka uu ku soo rogay Muwaadiniinta 8 dal oo ay ku jirto Soomaaliya.

Muqdisho-KNN-Warbaahinta Maraykanka iyo Kuwa Caalamka ayaa maanta baahiyay in Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka ayku dhawaaqday in sharci uu yahay go’aankii xayiraadda dhinaca socdaalka ee Madaxweyne Donald Trump uu saaray wadamo ay ku jirto Soomaaliya.

Go’aanka ayaa ku soo beegmaya iyada oo Maxkamadaha Hoose ee Gobolada qaarkood ay ka soo horjeesteen amarka xayiraadda ee Madaxweyne Trump, amarkan ayaa saameynaya dalalka ay ka imaanayaan dadka oo ku dhawaad Sideed dal ah.

Dalalkan oo Lix ka mid ah ay yihiin muslimiin ayaa waxa ay kala yihiin Iran, Liibiya, Suuriya, Yemen, Soomaaliya, Waqooyiga Kuuriya, Chad, Venezuela.

Soomaali badan ayaa walaac ka muujiyay go’aanka Maxkmada sare ee Maraykanka kuwaas oo rajo ka qabay in ay la midoobaan Qoysaskooda oo ku kala nool meelo ka duwan.