Somali News

Maxkamadda sare oo go’aan ka gaartay kiiska Nin labo jeer dil lagu xukumay

Muqdisho-KNN- Cabdirisaaq Xuseen Tahliil “Calool Geel, oo maxkamadda Puntland ay labo jeer ku riday xukun dil ah, ayaa maanta waxaa kiiskiisa go,aan ka gaartay Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Cabdirisaaq Xuseen ayay Ciidamada Puntland July 2017kii waxa ay ka qabteen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

November 11-dii 2018 ayay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabaka Sida ee Puntland waxa ay ku riday Xukun dil ah Cabdirisaaq Xuseen Tahliil “Calool Geel, wixii xilligaas ka dambeeyay ayay soo qaateen Qareenada difaacayay Eedeysanaha rafcaan kaasi oo la keenay Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida ee heer Federaal Fadhigeeda Muqdisho.

Cabdirisaaq oo Puntland ay ku eedeysay falal argagixiso iyo in uu deegaanadooda gaar ahaan waqooyiga  maagalada Gaalkacyo uu ka waday falal argagixisanimo, ayaa kiiskiisu waxa uu muran badan ka dhex dhaliyay maamulada Puntland iyo Galmudug.

Xafiiska Xeer Ilaalinta oo mudo ku howlanaa soo xaqiijinta eedaha loo heysto  Cabdirisaaq Xuseen Tahliil “Calool Geel, ayaa bishii tagtay soo jeediyay in aysan sii wadi Karin  eedda ka dhanka ah Cabdirisaaq, waxa ay sidoo kale soo jeediyeen in tallaabooyin amni la dul dhigo iyadoo la fiirinayo danaha guud ee gobalka Mudug dibna xoriyadiisa loogu celiyo  eedeysanaha.

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa go’aan ka soo saartay Cabdirisaaq Xuseen Tahliil, waxaana amartay in si deg-deg ah looga daayo xabsiga hadii aysan jirin dambiyo kale oo loo heysto.

waxa ay sidoo kale amartay in uusan ka bixi Karin magaalada Muqdisho muddo 2-sano ah, ugu dambeyn Maxkamadda ayaa ku amartay  Ciidamada amniga in ay si gaar ah ula socdaan dhaq-dhaqaaqiisa ku dhawaad 5-sano iyo in uu todobaadkiiba mar iska diiwaan geliyo Xarunta Dambi Baarista Boliiska CID, sida uu u sheegay warbaahinta guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida jenaraal Liibaan Cali Yarow.