Somali News

Maxkamadda Sare oo xukun ku riday labo eedeysane

Muqdisho-KNN-Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya ayaa Xukun ku riday labo eedeysane oo sida la sheegay qaraxyo iyo dilal kala duwan ka geystay magaalada Muqdisho.

Go’aan Qoraaleed ka Soo baxay Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa lagu sheegay in Eedaysanaha koowaad oo lagu magacaabo Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) oo uu ka hor qirtay  garsoorka in uu ka tirsanaa Al-shabaab kana soo shaqeeyay qaybo kala duwan oo ay ka mid tahay weerarada lagu fuliyo baabuurta uuna qayb ka ahaa weeraro ay ka mid ahaayeen weerarkii 15/08/2017 degmada Hodan lagula beegsaday gaari Hartoop langaruusal ah oo ay saarnaayeen hal qoys oo uu ku geeriyooday hal ruux kuna dhaawacmeen 5 ka mid qosykii gaariga saarnaa,

sidoo kale Maxakamadda ayaa sheegtay in eedaysanuhu uu qirtay in uu qayb ka ahaa weerarkii lagu qaaday gaari Saruf ah oo marayay isgoyska via Roma ee degmmada Xamar-wayne 27/09/2017 oo ay ku geeriyoodeen labadii ruux ee saarnaa gaariga , sidoo kale maxakamaddu waxa ay sheegtay in eedaysanuhu uu garsoorka u cadeeyay in uu ahaa sahmiyihii weerar iyo qaraxyo lala beegsaday 09/11/2018, Hotel Sahafi.

Maxakamadda ayaa sheegtay in eedeysane Canshuur ay Ciidamada  amaanku ka soo qabteen kadib markii uu ka degay gaarigii labaad ee ku qarxay 22/12/2018 agagaarka Daljirka daahsoon , waxaana qaraxaas ku geeriyooday labo macalin oo ka tirsanaa iskuulka Yaasiin Cusmaan.

Dhanka kale eedeysanaha labaad oo lagu magacaabo Maxamed Cali Boorow Aadan,(C/xakiin) ayaa Maxakamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxa ay sheegtay in uu qirtay in uu ka tirsanyahay Alshabaab gaar ahaan qeybta qaraxyada isagoona sahmiye ka ahaa qaraxii ka dhacay Degmada Howl-wadaag 02.09.2018 sidoo kalane uu ka mid ahaa weerarkii lagu qaaday tiyaatarka qaranka 22.12.2018, waxeyna Maxkamaddu sheegtay in ay Ciidamada  amaanku gacanta ku dhigeen kadib markii uu ka dagay gaarigi labaad ee ku qarxay Taalada Daljirka Daahsoon.

Maxkamadda ayaa sheegtay in labaadaan eedeysane ay ka degeen gaari ay dhigeen agagaarka Daljirka Dahsoon sidaasna ay ku qabteen intii ay Ciidamadu waraysanayeena  uu qarxay gaarigii ay ka degeen, qaraxaas oo sababay dhimashada Sedax ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen macalimin iskuul.

Ugu danbeyntii Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay in Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar (Asad) iyo Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) ay yihiin dembiilayaal galay dembiyadii lagu soo oogay.

Islamarkaana ay ku raacday Xukunkii Maxkamadda Darajada 1-aad CQS oo ahaa Dil Toogashaa, kaasi oo ah qisaasta Marxuumiintii ku geeriyooday qaraxyadii iyo weeraradii ay ka geysteen meelo kala duwan oo ka tirsan Muqdisho,  Sida uu u sheegay Warbaahinta guddoomiyaha Maxamadd Sare Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yarow.