Somali News

Maxkamdda Ciidanka xukun dilay ah ku riday laba nin oo ka tirsana Al-shabaab

Maxkamada Darajada Koowaad ee magaalada Gaalkacayo ayaa xukun dil ah ku riday labo nin oo lagu kala magacaabo Liibaan Maxamed Yuusuf iyo Jaamac Axmed Yuusuf kuwaasoo maxkamadu ku heshay inay dil u geeysteen gabar lagu magacaabi jiray Naciimo C/wali Cismaan.

Dilka gabadhaan ayaa ka dhacay banaanka magaalada Buursaalax ee gobolka Mudug.
Labadaan nin ee maanta la xukumay mid ka mid ah ayaa qabay marxuumadda la dilay.