Muqdisho-KNN-Warqad soo gaartay warqabadka KNN ayaa tilmaameysa in maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya loo gudbiyay dacwad ka dhan ah Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida iyo sirdoonka qaranka Xuseen Cismaan Xuseen iyo ku xigeenkiisa Fahad Yaasiin , dawacdda ayaa waxaa gudbiyay taliye ku xigeenki hore ee hay’adaasi cabdallada Cabdalla Maxamed ee shalay madaxweyne Farmaajo uu ka xayuubiyay darajooyinkii ciidaan ee uu huganaa.
Waxaa ay warqaddu ku taariikheysan tahay 2-dii bishan Septembar waxaana qabtay xeer ilaalinta maxakamada ciidamada qalabka sida waa sida waqradda ku xusan.
Cabdalla Cabdalla ayaa Fahad Yaasiin agasime kuxigenka Nisa ku edeyay inuu 1-dii bishaan amray faafinta qoraal lagu shegayo in Cabdalla Cabdlaal uusan akmdi ahan Karin NISa.
Sidoo kale inuu Aghasime ku xigenka NIsa Fahad yaasin uu faafiyay waxyabao shaarf dilaya sida uu cabdlala Cabdlal ku qoray warqadda dacwadisa.
Sidoo kale Cabdalla ayaa si guud agaasimaha haatan ee Nisa iyo ku xigenkiisa ku eedeyay in ay sanadihii 2014-2017kii ay wada shaqeyn buuxda la lahayeen Al-shabaab , waxaana uu qoraalkiisa Cabdlaala Cabalda raaciyay inuu hayo cadeyn buuxda oo arinkasi ku saabsan.