Somali News

Maxuu salka ku hayaa safarka Wasiir Sabriye uu ku tagay Geneva?

Muqdisho-KNN-Wasiirka arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba baxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Ujeedada socdaalka wafdigaas oo matalaya dowladda Soomaaliya ayaa ah ka qeybgalka shir heerka caalami ah oo ay iskugu imaanayaan guddiga sare ee fulinta hey’adda QM ee qaxootiga adduunka, kaas oo lagu qaban doono dalka Switzerland.

Kulankaas oo ah kii 70-aad aya waxaa iskugu imaan doono dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey, iyadoo Wasiir Sabriye iyo wafdigiisu ay ku matali doonaan Soomaaliya.

Kulankaas ayaa waxaa la sheegay in lagu qaadaa dhigayo arrimaha qaxootiga adduunka, waxaana lagu ansaxi doonaa sida la sheegay qorshe sanadeedka iyo miisaaniyadda hey’adda UNHCR.

Soomaaliya ayaa shirkaas waxa uu u yahay fursad gaar ah, maadaama ay ka mid tahay wadamada ugu qaxootiyada badan caalamka, waxaana wafdiga matalaya Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiirka arimaha gudaha la filayaa in ay halkaas ku soo bandhigaan daruufaha haysta qoxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed.