Somali News

Maxuu salka ku hayaa socdaalka Taliyaha xoogga dalka ee G/Gedo?

Garbahaarey-KNN-Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Odowaa Yuussuf Raage oo mudooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa gobolka Gedo ayaa saacadihii u dambeeyay gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolkaas.

Taliyaha ayaa ka soo baxay degmada Doolow, isagoo soo maray degmooyinka Beled-Xaawo iyo Luuq oo ka wada tirsan gobolka Gedo.

Socdaalka Taliyaha ayaa waxaa ku wehlinaya mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo, oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Mucalimow, iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo ayaa socdaalkaas ku tilmaamay mid lagu xoojinayo dhismaha ciidamada militeriga Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Maamulka Jubbaland oo horay uga hadlay arrinta ciidamada dowladda federaalka ku sugan gobolka Gedo, waxayna ku tilmaameen duullaan ay gobolkaas ku soo qaaday dowladda Soomaaliya.