Somali News

Maxuu salka ku hayaa socdaalka xildhibaano ka tirsan BF ay ku tegeen Dhuusamareeb?

Dhuusamareeb-KNN-Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb gaaray xubno ka socda labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanadan oo deegaan doorashadoodu tahay deegaanada Galmudug, ayaa halkaas u tegay sidii ay uga bilaabi lahaayeen ololahooda doorashada soo socota ee dalka.


Xubnahaas waxaa ka mid ah Sanoter Cabdi Qeybdiid, Sanoter Yuusuf Geelle (Dhageey) Xildhibaan Xuseen Iidow iyo xubno kale. Waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladaas.

Maalin ka hor waxaa Dhuusamareeb gaaray Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Cabdi Maxamed Xasan Xijaar, kaas oo sheegay inuu kor meer ku sameynayo xarumaha ay doorashadu ka dhaceyso ee deegaanada Galmudug.