Somali News

Maxuu salka ku hayaa socdaalka Xoghaye Mike Pompeo uu ku gaaray Japan?

Tokyo-KNN-Xoghayaha arrimaha dibbadda Maraykanka Mike Pompeo ayay maanta caasimada dalka Japan ee Tokyo uga bilaabatay booqasho dhawr cisho qaadanaysa.

Xoghaye Mike Pompeo waxaa Tokyo kula kulmi doona wasiiradda arrimaha dibadda dalalka Austaralia, Hindiya iyo Japan.

Ujeedka safarkiisa waxaa lagu sheegay in Mareykanku uu gobolka ka raadinayo is bahaysi ku taageera dagaalka ganacsi ee ka dhaxeeya Mareykanka iyo Shiinaha.

Safarka Mike Pompeo ee Japan oo horay loo sii qorsheeyay waxaa loo baajiyay kadib markii dhawaan xanuunka Corona laga helay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.