Somali News

Maxuu yahay ajandaha kulanka maanta ee golaha shacabka?

Muqdisho-KNN-Waxaa maanta jira kulankii xildhibaanada Golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, sida lagu wargeliyey xildhibaanada.

Ajendaha kulanka maanta xildhibaanada golaha shacabka ayaa ah.

Akhrinta koowaad ee  Sharciga Dambiyada Galmada la xiriira, kaas oo sida horay loo sheegay ay meel marintiisu ay muhiim u tahay dalka.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxaa loo diray fariimo loogu sheegayo in uu maanta jiro kulanka golaha shacabka Soomaaliya.