Somali News

Maxuu yahay Ajendaha kulanka maanta ee golaha Aqalka Sare?

Muqdisho-KNN-Akhrinta labaad ayay marsiinayaan maanta golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya wax ka beddelka sharciga iibka iyo qansaraasyada qaranka, kaddib markii ay kulmaan.

Sharcigaan oo ay soo diyaarisay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Sooamaliya ayaa kol aan sidaa usii fogeyn waxaa soo meel mariyay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Akhrinta saddexaad haddiin ay mariyaan Aqalka Sare sharcigaan waxaa loo geyn doonaa madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo si uu saxiixo.

Sharciyada maaliyadda ee horyaalla labada gole ee baarlamaanka Sooamaliya ayaa waxay ka mid yihiin sharciyada la sheegay inay ku xiranyihiin deyn cafinta dalka.