Somali News

Maxuu yahay ajendaha kulanka maanta ee golaha shacabka?

Muqdisho-KNN-Xildhibaanada Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulankoodi caadiga ahaa ku yeelanaya xaruntooda ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa.

Xildhibaanada ayaa ka doodi doona Hindise Sharciyeedka Beeraha, sida lagu war-geliyey mudanayaasha.

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa lagu wadaa in ay akhrinta saddexaad ay marsiiyaan Hindise Sharciyeedka Beeraha Soomaaliyeed, kaas oo mudooyinkii dambe horyaallay golaha

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in ay dhowaan ansixiyaan Hindise Sharciyeedka Beeraha, kadib marka ay dhammaystiraan akhrinta iyo doodaha la xiriira Sharcigaas.