Somali News

Maxuu yahay ajendaha maanta hor-yaalla kulanka Golaha Shacabka?

Muqdisho-KNN-Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan yeelanaya, kaas oo ay hor yaallaan dhowr ajende.

Ajendayaasha kulanka maanta ayaa kala ah, akhrinta koowaad ee saddexda Heshiis ee kala ah Qaramada Madoobay, Midowga Afrika iyo Carabta ee la dagaalanka iyo ka hortagga Musuqmaasuqa.

Akhrinta labaad ee hey’addaha aan dowliga ahayn  (NGO)

Akhinta labaad Hindise Sharciyeedka Qaxootiga, waxaana xildhibaanada lagu wargeliyey inay xarunta Villa Hargeysa soo xaadiraan 90:00 am barqanimo.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa kulankoodii shalay waxay ku ansixiyeen miisaaniyada dowladda ee 2021-ka, sidoo kale guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka oo ay hoggaamiso Xaliimo Yarey ayey waqiga ugu kordhiyeen mudo lix sano ah.